Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

0
24

Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay roob daad wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdishom

 

Afhayeebka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan ayaa sheegay in sagaal guri ay dumeen, lix wado oo waaweynna ay burbureen, halka dad badan ay ka barakaceen degmooyin qaar ee gobolka.

 

Roobka ayaa saameeyay isu socodka magaalada, waxaana burbur xooggan soo gaaray wadooyinka u dhow garoonka Aadan Cadde.

 

Hawlgallo gurmad ayaa saacadihii la soo dhaafay soconayay.