Lix dal oo African ah oo aan weli laga helin Coronavirus

0
415

Lix dal oo African ah oo aan weli laga helin Coronavirus

Lix dal oo ka mid ah 54-ka dal ee qaaradda Africa ayaa ku jir liiska dalal yar oo faro ku tiris ah, oo weli aan laga soo werin kiisas la xiriira cudurka coronavirus ee ku faafaya caalamka.

Dalalkan ayaa kala ah; South Sudan, Burundi, Sao Tome and Principe, Malawi, Lesotho iyo Comoros.

Mas’uuliyiinta dalalkan qaarkood ayaa sheegay in cudurka uu ilaah ka bad-baaday ama ay ugu wacan tahay isu-socodkooda dalalka kale ee caalamka oo aad u yar, hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo inay tahay tijaabo la’aan waxa qarinaya saameynta rasmiga ah.

SOUTH SUDAN – Dalka South Sudan ayaa kasoo kabanaya lix sano oo dagaal sokeeye ah, iyo heer sare oo ah baahi iyo jirrooyin, oo ay dheer tahay kaabayaashii oo maqan, waxaana khubarada caafimaadka ay ka cabsi qabaan in fayruska uu burburin karo.

Doctor Angkok Gordon Kuol, oo ka mid ah dadka mas’uulka looga dhigay dagaalka ka dhanka ah fayruskan, ayaa sheegay in dalkiisa uu fuliyey kaliya 12 tijaabo, oo midkoodna aan laga helin cudurkan.

Waxa uu sheegay in sababta fayruska aanu weli usoo gaarin South Sudan lagu macneyn karo xiriirka duulimaad ee dalkan uu la leeyahay caalamka kale oo aad u hooseeya.

“Diyaarado aad u kooban ayaa yimaada South Sudan, inta badan dalalka uu cudurkan saameeyey ayaa ah kuwa ay keeneyn dad ka imanaya dibedda,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in walaaca ugu badan uu yahay ajaaniibta dalka ku sugan ee u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, iyo dadka kasoo gudbaya xuduudaha dalalka deriska ah.

South Sudan waxay xirtay iskuullada, waxay mamnuucday isu-imaatinada dadka, sida xafladaha arooska, tacsiyadaha iyo dhacdooyinka ciyaaraha, ayada oo sidoo kalena mamnuucday duulimaadyada dalalka uu cudurka saameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here