LIIBIYA : Ugu yaraan 70 Tahriibayaal ah ayaa nolol & Geeri lagu la’ yahay.

0
539

LIIBIYA : Ugu yaraan 70 Tahriibayaal ah ayaa nolol & Geeri lagu la’ yahay.

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa lagu sheegay in uu socdo Baadi-goobta Tahriibayaal ka badan 70 ruux oo ka safray Xeebaha Liibiya si ay u gaaraan Qaaradda Yurub balse xogtooda la waayay.

Labadii Todobaad lasoo dhaafay waxaa lagu howlanaa raadinta macluumaadka Dadkaan inkasta oo aan weli lagu guuleysan in warbixin dhammeystiran laga helo sida uu sheegay Madaxa Hay’adda IMO ee Liibiya ee Federico Soda.

Waxaa jira warar sheegaya in la helay Meydadka qaar kamid ah Dad ka tahriibay Xeebaha Liibiya gaar ahaan Tobruk, xogta Dadkaas ayaa soo baxday 12kii Maarso 2022 inkasta oo aan si dhab ah loo caddeyn Dadka la la’ yahay.

IOM ayaa sameysay xiriir ay ku xog-raadineyso Tahriibayaasha aan nolosha iyo Geerida toona lagu heyn ee u dhashay Qaaradda Afrika, Raadintooda waa mid sii socon doonta ilaa inta lagu helayo Nolol ama Geeri.

Waaxda Hay’adda Socdaalka Adduunka IOM u qaabilsan keydinta Dadka dhinta & kuwa Xogtooda la waayay ayaa sheegtay in 2022 oo weli lagu guda jiro bishii saddexaad ee sanadkaan diiwaankooda la geliyay 215 ruux oo geeri iyo Dad la waayay ah.

Sarkaal katirsan IOM ayaa sheegay in Doon ay la socdeen 25 ruux la badbaadiyay 6 Tahriibe, 7 ayaa meydadkooda bannaanka loosoo saaray balse waxaa la waayay 12 kale oo loo badinayo in ay dhinteen marka la eego waqtiga ay maqan yihiin iyo doontii ay la socdeen oo rogmatay.

“Waan ka naxay Dadka ku dhimanaya Biyaha Mediterranean-ka iyo wax ka qabasho la’aanta musiibada socota ee ah Geerida Dadka ku dhammaanaya Badda, In badan dadka dhintay kala bar waxa ay ku geeriyoodeen Xeebaha Liibiya” ayuu yiri Federico Soda.

Tahriibayaasha naftooda halista u gelinaya in ay tagaan Yurub ayaa ku doodaya in ay ku helayaan nolol uga wanaagsan tan Dalalkooda oo colaado, Bur-bur, Shaqo la’aan & dhibaatooyin kale isugu darsameen inkasta oo halis waxyaabahaas ka weyn ay naftooda geliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here