Labo duuliye oo lama filaan u hurday xilli ay diyaarada hawada ku jirtay iyo waxii dhacay !

0
50

Labo duuliye oo u shaqeenayay shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Indonesia ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii iyaga oo hawada ku jira ay ku dhax hurdeen diyaaradii ay duuliyaha ka ahaayeen.

Dowladda Indonesia ayaa amartay in baaritaanno deg deg ah lagu bilaabo duuliyaasha halista galiyay rakaabkii ay wadeen, waxaana labada duuliye hadda laga joojiyay shaqadii duulayinnimo inta baaristu socoto.

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa tabinayay in labada duuliye hurdeen muddo 28 daqiiqo ah intii diyaaraddu ay u kala goosheysey magaalooyinka Sulawesi iyo caasimadda Jakarta 25 Jannaayo 2024.

Labada duuliye mid kamid ah oo aheyd hooyo dhashay dhawaan labo cunug oo mataano ah ayaa la sheegay in ay aad u daalaneyd , maadaama ay ku dhafartay heesmada labada mataanaha oo ay dhashay.

Diyaarada duuliyaashan hurday wadeen ayaa nuuceedu ahaa A320 , waxaana diyaarada in muddo kooban jihadii ay ku socotay ka habowday markii dambe ku degtay si nabdoon, waxaana iyaga oo bad-qaba degay rakaabkii diyaarada saarnaa oo gaarayay 153-qof.