Labo doolar ayey u kala qeybisay wax ay ilmaha cunto ugu iibiso iyo wax ay isku disho
Maalintii ay Prema Selvam timaheeda ku iibisay 150 rupees ($2; £1.50) si ay ugu quudisho carruurteeda yar yar waxay ahayd tii ugu xumeyd ee soo martay nolosheeda.
Hooyadan oo dhashay saddex carruur ah waxay horay u weysay seygeeda, ka dib markii uu isku dilay walwal uu ka dareemayay deymo badan oo lagu lahaa.
Xitaa markii ay sidaas dhacday wali waxay lahayd rajo.
Laakiin markii ay timaheeda iibisay, waxay wajahday culeys aad u weyn maadaama aysan u harin wax kale oo qiime u goyn kara.
Ma jirin lacag ay ku bixiso deymaha lagu leeyahay, mana aysan heli karin kharash ay raashin ugu soo iibiso ilmaha.
Balse wixii markaas ka dib dhacay ayaa dhiirrigalin siiyay dadka ku nool guud ahaan waddanka Hindiya.
Deyn darteed ayuu biyo isugu dilay
Ka hor inta uusan dhimanin, Prema iyo seygeeda waxay ka shaqeyn jireen warshad bulukeediga guryaha lagu dhiso sameysa oo ku taalla gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya.
Waxay halkaas kasoo saaran jireen quutuldaruurigooda oo kaliya. Laakiin waxay rajeynayeen inay wax intaas ka badan heli doonaan. Seygeeda wuxuu lacag deyn ah u qaatay inuu sameysto warshad u gaar ah, laakiin qorshihiisu wuxuu guul darreystay. Markii uu walwalka ka batay ayuu isdilay sanadkii lasoo dhaafay, isagoo biyo isku qarqiyay.
Culeyskii oo dhan wuxuu kusoo haray Prema kaligeed, waxa laga rabayna ma ahayn kaliya lacagta ay carruurteeda ugu iibin lahayd cunto, dhar iyo kirada kuriga, balse waxaa kale oo laga sugayay inay bixiso deyntii lagu yeeshay ee ku gashay ganacsigooda hungoobay.
Muddo gaaban waxaa u suurtagashay inay labadeeda carruurta ah ee sii yar yar u kaxeysato goobta shaqada, si ay ula shaqeeyaan.
“Marka aan shaqada aadi jiray waxaan soo heli jiray 200 rupees ($2.80) maalintiiba, taasoo ku filneyd biilka reerka”, ayey tiri Prema oo xaaladdeeda u sharraxeysay BBC-da.
Laakiin markii dmabe way xanuunsatay, taasoo ka dhigan inaysan lacag saas u sii badan shaqeysan karin.
“Ma awoodi karin inaan qaado bulukeetiyo culus. Inta badan guriga ayaan iska joogi jiray anigoo qandheysan”, ayey tiri.
Waxay xanuunsaneyd saddex bilood – waxaana la gaaray xilli ay ku bateen deymaha, dadkii deynta ku lahaana uu dulqaadkii ka dhammaaday.
“Wiilkeyga toddoba jirka ah ayaa iskuulka ka yimid wuxuuna i weydiistay cunto”, ayey tiri iyadoo xasuusaneysa wixii soo maray maalin maalmaha ka mid ah. “Ka dib wuxuu billaabay inuu u ooyo baahi darteed”.
Prema ma aysan lahayn hanti, dahab, waxyaabo qiima leh ama xitaa alaabta jikada, si ay ugu baddalato lacag.
“Xitaa ma aanan heysanin lacag gaareysa 10 rupee [$0.14; £0.11]. “kaliya waxaan heystay dhowr baaldi oo caag ah”, ayey tiri.
Ka dib waxay ogaatay inuu jiro wax kale oo ay iibin kartay intaasoo dhan ka dib.
“Waxaan soo xasuustay inuu jiray dukaan timaha iibsada”, ayey tiri Prema, iyadoo markaas ka fikireysay inay timaheeda iska iibiso.
Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeya caalamka ee dibadda u suuq geeya timaha bani’aadamka, kuwaasoo dunida loogu iibiyo si ay dadka kale timahooda ugu badsadaan. Qaar ka mid ah dadka reer Hindiya waxay timahooda ugu deeqaan macbadyada, ka dib markii ay isdareensiiyaan in ducooyinkooda la aqbalay.
“Halkaas ayaan tagay, timihii madaxeyga ku yaallay oo dhan ayaana ku iibsaday 150 rupees ($2; £1.50).”
Lacagtaas waxaa laga yaabaa inaysan aad u badneyn markii afka laga sheego – haddii makhaayad ku taalla magaalo weyn lala tagana, waxay goyn kartaa qado ku filan hal qof, laakiin Prema waxay tuuladeeda yar uga heshay wax intaas ka badan.
“Waxaan ku helay saddex saxan oo bariis karsan ah, oo midkiiba la gado 20 rupees, waxaana u geeyay carruurteyda saddexda ah”, ayey tiri.
Laakiin xaaladda xun wali lagama bixin, oo Prema waxay ogeyd in aysan wax kale u harin, maalmo kalena ay soo socdaan.
Baahi xad-dhaaf ah
Waxay aadday dukaan ay rajeyneysay inay ka hesho wax ay isku disho. Laakiin ninkii dukaanlaha ahaa markii uu arkay xaaladda ay ku jiro wuxuu dareemay inay fal xun ku dhaqaaqi rabto, wuuna u diiday wax kasta oo ay rabtay inay ka iibsato.
Prema waxay ku laabatay guriga, iyadoo ka fikireysa wax kale oo ay isku dili karto. Nasiib wanaag, waxaa badbaadisay walaasheed, oo dariskeeda ahayd ka dib markii ay lasoo kulantay wakhti fiican.
Ka dibna, maalmo yar ka dib, caawinaaddii ay baahida xad-dhaafka ah u qabtay waxay ugu timid si lama filaan ah.
Nin lagu magacaabo Bala Murugan ayaa maqlay xaaladda ay ku jirto Prema, waxaana uga sheekeeyay qof saaxiib la ah isaga oo warshad bulukeetiyada sameysa ku leh aaggaas. Islamarkiiba wuxuu soo xasuustay sida ay qoyskiisa ugu dhibaatoodeen xaalad noocaasoo kale ah.
Bala wuxuu yaqaannaa sida uu faqriga u dhibaateeyo dadka – isagoo ay da’diisu tahay 10 sano ayey qoyskiisa ku dhacday cunto la’aan. Hooyadiis waxay iibisay buugaagtoodii hore iyo warqado wargeysyo la akhristay ah, si ay cunto ugu soo iibiso qoyska.
Ka dibna walwal badan awgiis, Bala hooyadiis, oo ku nooleyd gobolka Utter, waxay go’aansatay inay isdisho iyada, carruurteedana disho. Laakiin go’aankeeda ku saabsanaa dilka carruurta waxay baddashay daqiiqaddii ugu dambeysay: Qoyska ayaa isbitaal ula cararay hooyadii, waana la badbaadiyay.
Bala wuxuu hadda ku jiraa nolol aad uga fog faqrigii uu kusoo koray. Ka dib markii uu dhowr sano dadaalay, waxaa u suurta gashay inuu faqriga ka baxo, wuxuuna sameystay shirkad kumbuyuutarrada ku sameysa sawirrada naqshadaha.
Haddana, wuxuu helay fursad uu ku caawiyo qof xaaladdiisa oo kale soo maray: Bala wuxuu u sheegay Prema sida uu kusoo koray, wuxuuna ku dhiirrigaliyay inaysan niyad jabin. Isaga iyo saaxiibkiis Prabhu oo wada jira waxay xoogaa lacag ah siiyeen hooyadan, si ay cunto ugu iibsato. Ka dib Bala wuxuu baraha bulshada ku qoray sheeko ku saabsan qoyska haweeneydan.
“Hal maalin gudaheed, waxaan helay lacag dhan 120,000 rupees ($1,670). Markii aan u sheegay Prema aad bay ugu faraxday waxayna ii sheegtay in kharashkaas ay ku bixin karto inta badan deymaha lagu lahaa”, ayuu yiri isagoo u warramaya BBC-da.
Laakiin codsi ka yimid Prema awgiis ayaa loo joojiyay dhaqaale aruurintii.
“Waxay sheegtay inay dib ugu laaban doonto shaqadeeda ayna iska bixin doonto waxa haray”, ayuu yiri Bala.
Hadda waxay awooddaa inay bishiiba iska bixiyo 700 rupees($10) oo deynta lagu leeyahay ah, halka xafiiska degmada ee dowladdana uu u ballan qaaday inuu garab istaagi doono, una sameyn doono ganacsi iibinta caanaha ah.
Prema si tartiib tartiib ayey cagaheeda ugu istaageysaa mar kale, laakiin xaaladdeeda dhaqaale ma aha mid iyada kaliya ku eg. Malaayiin qof oo reer Hindiya ah ayaa ku dhibaatooda sidii ay raashin u heli lahaayeen.
Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, Hindiya waa waddanka labaad ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee uu faqriga saameeyay.
In badan oo ka mid ah shacabka ayeysan u suurtoobin inay maalintii helaan wax ka yar $2 doolar.
Prema waxaa heysata caqabad kale oo ah inaysan waxba qori karin, waxna akhrin karin, taasoo ay kala mid tahay tobannaan malyan oo reer Hindiya ah.
Taas waxay u sababtay inaysan xitaa ka warheynin qorsheyaasha dhaqaale ee ay dowladdu ugu talagashay in lagu caawiyo dadka iyadoo kale ah.
Dhinaca kalena, nidaamyada ay isticmaalaan bangiyada qaranka waa kuwo ku adag dadka saboolka ah ee doonaya inay deymaha ka qaataan.
Sidaas darteedna Prema iyo seygeeda waxay lacag ka deysadeen dadka maxalliga ah ee deymaha bixiya.
Laakiin hadda waxay garab ka heleysaa dadka bulshadeeda ka tirsan, sidoo kalena Bala ayaa u ballan qaaday inuu sii wadi doono caawinteeda.
“Hadda waxaan ogaaday in go’aanka isdilitaanka uu ahaa mid khaldan”, ayey tiri. “Waxaan kalsooni ku qabaa inaan iska bixin doono deymaha igu haray”.