Labada Tababare ee loo badinayo in ay heshiiska la galaan Kooxaha Chelsea & Leicester City.

0
176

Labada Tababare ee loo badinayo in ay heshiiska la galaan Kooxaha Chelsea & Leicester City.

Hadal heynta ugu badan ee Horyaalka Ingiriiska waa go’aankii Kooxda Leicester City ay u ceerisay Macalinkeeda ku fashilmay in uu guulaha muhiimka ah u gacan geliyo ee Brendan Rodgers & Dhiggeeda Chelsea oo albaabta ka saartay Macalinkii waayahaan aad loo hadal hayay in la raacdeynayo ee Graham Potter.

In la eryay ka sokoow waxaa aad loo hadal hayaa macalimiinta cusub ee ku fadhiisan doonta kuraasta labadaas macalin laga saaray iyo sida ay uga dabbaalan karaan badweynta ay uga dhex tageen kooxahaas.

Milkiilayaasha Leicester City & Chelsea oo tallaabooyin isku mid ah qaaday ayaa durba ku loolamaya Macalimiinta shaqo la’aanta heysato ee qaarkood kooxihii ay joogeen laga eryay sababo la xiriira in la saluugay qaab ciyaareedka ay joogteeyeen.

Kooxda Chelsea ee sida qasabka ah looga iibiyay Milkiilihii Dhaqaalaha badan ku shubi jiray ee Roman Abramovich una dhashay Ruushka ayaa durba raadineysa Macalin Kooxdaan ka saari kara xaaladda adag ee dhexda ay ka taagan tahay.

Todd Boehly, Milkiilaha Kooxda Chelsea ee dhaqaalaha badan geliyay kooxdaan tan iyo markii uu la wareegay ayaa madaxda ka hooseysa u diray in ay keenaan Macalin Naadiga ka saari kara waqtiga & waayaha adag ee Ciilay si uu kooxda dib ugu soo celiyo boosaska looga bartay.

Warbaahinta ayaa aad u hadal heysa in Chelsea ay aad u raadineyso Macalinkii dhowaan laga eryay Kooxda Kubadda Cagta Bayern Munich ee Julian Nagelsmann, halka Leicester City ay indhaha la raaceyso tababarihii Chelsea ay raacdeysay ee Graham Potter.

Haddii Leicester ay wayso Macalin Potter waxa ay baadigoobi doontaa Rafael Benitez, Jesse Marsch, Ralph Hasenhuttl & Adi Hutter. Si loo helo macalimiintaas midkood waxa uu maamulka Kooxda lagu magacaabo Dabacada uu billaabay dhaqdhaqaaq aan kala go’ lahayn.

Haddaba, Haddii Chelsea & Leicester City ay helaan Macalimiinta ay raadinayaan miyay ka saari karaan Jahwareerka adag ay dhexda ka galeen?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here