Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal isaga gudbi kara Qaaradaha

0
24

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal isaga gudbi kara Qaaradaha

Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay inay tijaabisay gantaal cusub oo qaaradaha isaga gudba, kaasi oo ku dhacday biyo xeebaha Bari ee Gacanka Kuuriya.

Wakaalada wararka KCNA ayaa sheegtay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, uu goob joog ka ahaa tijaabada gantaalka, isagoo farriin u diray dalalka Mareykanka iyo xulufadiisa.

Tani waxay ahayd tijaabadii ugu dheereyd ee gantaalka Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Wasiirka Difaaca Japan Gen Nakatani ayaa sheegay in gantaalka oo ku soo dhacay meel qiyaastii 300km dhanka galbeed kaga beegan jasiiradda Okushiri ee dalka Japan.

Labadan dal ee Kuuriyada Koofureed iyo Japan ayaa walaac ka muujiyay horumarinta hubka casriga ah ee Kuuriyada Waqooyi.