Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday

0
745

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday

Kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa in looga doodo arrimaha ammaanka ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday, kaddib markii uu is qabqabsi ka dhashay codeyntii Saxaafadda ee banaanka loo saaray kulanka.

Xildhibaanada qaar ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka in aanu waafajin xeer hoosaadka ku saabsan in saxaafada dibadda looga saaro, isla markaana uu Guddoonka ka yimid in saxaafadda banaanka loo saaro.

Illaa 104 Xildhibaan ayaa u codeysay in saxaafadda dibadda loo saaro, halka 42 ay diiday, waxaana markii codeynta soo gababowday buuq iyo sawaxan ka dhashay in dibadda loo saaro saxaafada.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa markii buuqa uu sii xoogeystay ka huleelay goobta, waxaana sidaas buuq iyo fowdo ku soo idlaaday kulankii xasaasiga ahaa ee looga hadlayay ammaanka dalka, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga, iyo Taliyeyaasha Booliska, Milateriga iyo Asluubta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here