Ku dhowaad 130 ruux oo Rayid ah oo lagu dilay Suudaan

0
11
FILE PHOTO: A man walks while smoke rises above buildings after aerial bombardment, during clashes between the paramilitary Rapid Support Forces and the army in Khartoum North, Sudan, May 1, 2023. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah/File Photo

Ku dhowaad 130 ruux oo Rayid ah oo lagu dilay Suudaan

In ka badan 125 ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay Dalka Suudaan gaar ahaan Tuullo ku taalla Gobolka Aljazira, waxaa goobaha caafimaadka la geeyay Dad dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray weerarkaan khasaaraha badan dhaliyay.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa kor u dhaafaya 100 ruux kuwaas oo ay ku jiraan Haween, Carruur iyo Dad da’ ah sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku booqday goobaha caafimaad ee la dhigay si loo baxnaaniyo.

Kooxda Gurmadka Degdega ah ee Suudaan loona soo gaabiyo RSF ayaa sheegtay in dadkaan weerarka lagu dilay ay ka dambeeyeen ciidamada ay is hayaan ee Suudaan inkasta oo aanay jirin faah-faahin dhanka Xukuumadda kasoo baxay.