Kooxda Mudada Duurka Ugu Jirta Dagaalka oo Sheegtay in Xalka Kaliya ee Dalkeegu Ku Jiro Dawlad Islaam ah
Xilli rabshdaha ka taagan dalka Afghanistan ay sii kordhayaan ayaa hogaamiya ku xigeenka kooxda Taliban waxaaa uu sheegay inay ka go’an tahay wadahadalada nabadda.
Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa intaa ku daray in “nidaam islaami ah oo sax ah” uu yahay qaabka kali ah ee lagu soo afjari karo dagaalka Afqanistaan.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli walaac laga qabo in la isku mari waayo wadahadalada u dhaxeeya Talaiban iyo dowladda Afqanistan ee gar-wadeenka ka tahay dowoladda Qatar.
Wadahadaladii u dhaxeeya Taliban iyo dowladda Afqanistaan ayaa muddo bilooyiin ah hakad ku jiray.