Koox hubeysan oo weerartay Xarumo shaqo, Maamul & Nabadgalyo oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde.

0
341

Koox hubeysan oo weerartay Xarumo shaqo, Maamul & Nabadgalyo oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde.

Koox hubeysan ayaa Weerar ku qaadday xarumo Shaqo, Maamul iyo kuwo Nabadgelyo oo ku dhexyaal garoonka ama gegida diyaaradaha ee Aden Cadde International Airport Magaalada Muqdisho. Weerarku waxa uu si gaar ah u beegsaday Xarunta Eeyaha tababaran ee u shaqeeya sida Askarta kuwaas  lagu baaro  Walxaha qarxa,  sidaas oo kale weerarku waxa uu gaaray Xafiiska Toyota ee SKA.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyad weerarkaan waxa ay Warbaahintooda ku sheegeen in ay beegsadeen mid kamid ah Baraha laga hubiyo Gaadiidka u gudba Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM, Safaarado iyo xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar uu ku billawday “qarax lagu beegsaday Kontoroolka Madina Gate, qaraxaas kaddib dagaal toos ah uu dhexmaray Ciidamada goobta ku sugan iyo dagaalamayaashooda” sida hadalka loo dhigay.

DFS weli faah-faahin kama bixin weerarkaan iyo sheegashada Al-Shabaab, sidoo kale si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarka mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

La soco faah-fahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here