Koonfur Afrika oo albaabada ay isugu laabtay safaarada ay ku leedahay dalka Nigeria

0
475

Koonfur Afrika oo albaabada ay isugu laabtay safaarada ay ku leedahay dalka Nigeria

Safaarada koonfur Afrika ay ku leedahay dalka Nigeria ayaa albaabada la isugu laabay kadib dibadbaxyo ka dhan ah ganacsiga shirkada koonfur Afrika oo shalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Abuuja.

Rabshadahan ayaa daba socday kadib markii weeraro lagu dilay muwaadiniin Afrikan ah oo ka dhacay gobolada koonfur Afrika, maalmihii la soo dhaafay.

Dhanka dowlada Nigeria ayaa Khamiista maanta ah shaacisay in ay bilaabeyso daad gureynta muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Koonfur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka arimaga dibada koonfur Afrika mr Naledi Pandor ayaa maanta sheegay in si kumeel gaar ah ay u xirnaan doonto safaarada ay ku leeyihiin Nigeria kadib markii ay soo baxday cabsi amaan oo ka dhan ah shaqaalaha Safaarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here