Kolombiya oo dalkeeda ka caydhinaysa diblumaasiyiinta Israa’iil

0
18

Kolombiya oo dalkeeda ka caydhinaysa diblumaasiyiinta Israa’iil

Madaxweynaha Kolombiya, Gustavo Petro ayaa ku dhawaaqay in uu amar ku bixiyay in dalka laga saaro dhammaan diblomaasiyiinta Israa’iil ee weli ku sugan Kolombiya, sababo la xidhiidha waxa uu ku tilmaamay “dembi caalami ahi” oo ay ciidammada Israa’iil kula kacee doonyaha gargaarka ee u socday Qasa.

Intii aanu go’aankan soo bixin waxaa Kolombiya ku hadhsanaa afar diblomaasi oo Israa’iili ah, kaddib markii madaxweynaha garabka bidix uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israa’iil sannadkii hore, sida ay AFP ka heshay sheegay ilo xog ogaal ah.