Khasaare ka dhashay duqeymo Iiraan ka fulisay gudaha Israa’iil

0
18

Khasaare ka dhashay duqeymo Iiraan ka fulisay gudaha Israa’iil

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay weerarro ay Iran ka fulisay bartamaha Israa’iil, sida uu xaqiijiyay adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil.

 

In ka badan 74 qof ayaa ku dhaawacmay duqeymaha, iyadoo mid ka mid ah dhaawacyada uu yahay xaalad culus waxaana la dhigay isbitaal.

 

Magen David Adom madaxa gargaarka degdega Israel waxay intaas ku dartay in howlgallada gurmadka iyo samatabbixintu wali ka socdaan laba goobood oo ay weerarradu si gaar ah u saameeyeen.

 

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda gobolka ay cirka isku shareertay, waxaana laga cabsi qaba in dagaalka sii ballaarto.