Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Gobolka Galgaduud Oo Kordhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
635

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Gobolka Galgaduud Oo Kordhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

In kastoo saaka ay degan tahay xaaladda degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo muddo laba maalin ah uu dagaal ka dhacay ayaa hadana waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

Dagaalka oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed oo Xoolo dhaqato ah ayaa salka ku haaya isku qabsi dhul daaqsimeed kuyaalla degaanka, waxaana khasaaraha dhimashada uu gaaray 27 Ruux halka 30 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la kala geeyay degmooyinka Balanballe iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka Haraale ayaa waxaa ay sheegeen in ay dareemayaan saaka cabsi xoogan oo ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo maadaama dhinacyadii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

Madaxda Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka ka socda degaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe, waxaana sidoo kale jirin waan waan laga dhex bilaabay maleeshiyaadka dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here