Kenya Oo Shaacisay In Dad Kasoo Laabtay Somalia Laga Helay Coronavirus

0
448

Kenya Oo Shaacisay In Dad Kasoo Laabtay Somalia Laga Helay Coronavirus

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in saacadihii lasoo dhaafay Dad hor leh oo ku sugan gudaha dalkaas laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameeyn ballaaran ku yeeshay Caalamka.

Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Caafimaadka Kenya Rashiid Amaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay Diiwaan-gelisay 12 ruux oo qaba Cudurka COVID-19, kuwaasi oo baaritaano kala duwan, kadibna laga helay.

Waxaa uu sheegay Xoghayaha in Dadka laga helay Cudurka ay 8 kamid ah ku sugan yihiin Magaalada Nairobi, halka 4 kalena ay ku sugan yihiin Magaalada Mombasa ee Kenya.

Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa Carabka ku dhuftay in dadkaas la geeyay Xarumaha loogu talagalay karantiilka, isla markaana 3 kamid ah dadkaas ay yihiin kuwo dhawaan kasoo laabtay gudaha Soomaaliya.

Tirada Guud ee Dadka qaba Cudurka Coronavirus ee dalka Kenya ayaa haatan gaartay 355 qof, waxaana Cudurka ka bogsatay 104 Ruux, isla markaana waxaa Kenya COVID-19 ugu geeriyootay 14 Qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here