Kenya oo qaramada midoobay u gudbineysa qaraar ka dhan ah ururka Al-Shabaab

0
526

Kenya oo qaramada midoobay u gudbineysa qaraar ka dhan ah ururka Al-Shabaab

Dowlada Kenya ayaa qorsheyneysa in qaraar ay u gudbiso qaramada midoobay kaasi oo ku aadan in ururka Al-Shabaab ay si rasmi ah loogu daro kooxaha Argagixisada Caalamiga.

Arintaan ayaa dowlada Kenya waxay uga gol leedahay sidii culeys dheeri ah loo saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo weeraro badan ka geestay gudaha Kenya.

Wasiirka Arimaha dibeda dalkaasi Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ay qaraar u gudbin doonto golaha amniga ee qaramada Midoobay si Al-Shabaab loogu daro kooxaha Argagixisada caalamiga, taasi oo qeyb ka ah dadaalada caalamka uu kula jiro ciribtirka kooxaha Argagixisada.

Mr Kamau ayaa intaa raaciyay in arintaan ay la kaashaan doonaan dowlada isutaga Imaaraadka Carabta iyagoo u maraya qaraarka qaramada midoobay ee tirsigiisu yahay 1267 oo muhiimad gaar ah siinaya in kooxaha Argagixisada laga ciribtiro Dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here