Kenya Oo Lagu Daray Liiska Cas Ee Xayiraada Socdaalka Ingiriiska + Sababta
Guddiga Sare ee British (The British High Commission) waxay ku wargeliyeen Dowladda Kenya qorshaha lagu doonayo in Kenya loogu daro Liiska Cas ee Socdaalka UK, sababo la xiriirta COVID 19.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Guddigaasi ayaa lagu muujiyey in Go’aankaasi Adag ay qaateen Golaha Wasiiradda ee UK bishii la soo dhaafay ee March 31-dii, kadib, markii Dib-u-eegis lag sameeyey Caddaymaha ugu dambeeyey ee Khatarta Bulshadda ee Isku-gudbinta COVID 19.
Celcelis ahaan 500 oo qof ayaa waxay Toddobaad kasta ka dhoofaan Kenya, iyagoo ku sii jeeda dalka Britain, balse, laga bilaabo bishan April 9-da oo ku beegan Jimcaha soo socda waxa Kenya lagu daray Liiska Cas ee Xayiraadda Safarka UK (The UK travel ban ‘red list’).
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii Saldhiga Ciiddanka UK ku leeyihiin Degaanka Nanyuki dhawaan la geliyey Karantiil, kadib, cabsi laga qabo in Ciiddanka dhawaan tegay Kenya ay qaadi karaan nooca cusub ee Virus-ka.

HomeWarar
Kenya Oo Lagu Daray Liiska Cas Ee Xayiraada Socdaalka Ingiriiska + Sababta
By Webmaster On Apr 3, 2021

Share
Guddiga Sare ee British (The British High Commission) waxay ku wargeliyeen Dowladda Kenya qorshaha lagu doonayo in Kenya loogu daro Liiska Cas ee Socdaalka UK, sababo la xiriirta COVID 19.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Guddigaasi ayaa lagu muujiyey in Go’aankaasi Adag ay qaateen Golaha Wasiiradda ee UK bishii la soo dhaafay ee March 31-dii, kadib, markii Dib-u-eegis lag sameeyey Caddaymaha ugu dambeeyey ee Khatarta Bulshadda ee Isku-gudbinta COVID 19.
Celcelis ahaan 500 oo qof ayaa waxay Toddobaad kasta ka dhoofaan Kenya, iyagoo ku sii jeeda dalka Britain, balse, laga bilaabo bishan April 9-da oo ku beegan Jimcaha soo socda waxa Kenya lagu daray Liiska Cas ee Xayiraadda Safarka UK (The UK travel ban ‘red list’).
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii Saldhiga Ciiddanka UK ku leeyihiin Degaanka Nanyuki dhawaan la geliyey Karantiil, kadib, cabsi laga qabo in Ciiddanka dhawaan tegay Kenya ay qaadi karaan nooca cusub ee Virus-ka.
AKHRISO
Maamulka Dowlad Deegaanka oo Amar cusub kusoo rogay Shacabka
Apr 3, 2021
Cabsi laga muujiyay Shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka
Apr 3, 2021
Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 3/04/2021
Apr 3, 2021
Hadal qoraal oo ka soo baxay Guddiga Sare British ee joogta Nairobi (The British High Commission in Nairobi) ayaa lagu sheegay in tiro yar oo ka mid ah Ciiddanka UK ee ku sugan Xerada Batuk ee Kenya laga helay COVID 19, taasi oo keentay in Karantiil lagu soo rogay Xerada Batuk (The British Army Training Unit in Kenya (Batuk) camp.
Dhinaca kale, Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London ayaa qoray in Liiska xayiraadda Kenya ee dalka Britain ku wehliyaan dalalka Bangaladesh, Pakistan iyo Filibiin.
Liiska Guud ee Dowladda UK horey u saartay dalalka laga xayiray inay soo galaan UK waxay kala yihiin:
1- Angola, 2- Argentina, 3- Bangladesh, 4- Bolivia, 5- Botswana, 6- Brazil, 7- Burundi, 8- Cape Verde, 9- Chile, 10- Colombia, 11- the Democratic Republic of the Congo, 12- Ecuador, 13- Eswatini, 14- Ethiopia, 15- French Guiana, 16- Guyana, 17- Kenya, 18- Lesotho, 19- Malawi, 20- Mozambique, 21- Namibia iyo dalal kale oo badan.
W/Q: Ustaad Nuradin.