Kenya oo ka faaiideysaneysa Badda Soomaaliya ay u xukuntay Maxkamadda ICJ.
6 Bil ayaa laga joogaa Xukunka Maxkamadda Cadaalladda Adduunka ICJ Soomaaliya ay u xukuntay badda oo muddo dheer uu horyaallay kiiska u dhaxeeya labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.
Khayraatka dabiiciga ah ee Badda waxaa ka faaiideysta Muwaadiniin Kenyan ah kaddib markii ay qaateen go’aanka Dowladdooda ay ku diiday xukunka Maxkamadda ICJ ay kusoo gabagabeysay kiiskaan sanadaha furnaa.
Aaggaas oo katirsan Badweynta Hindiya ayaa la rumeysan yahay in uu leeyahay shidaal iyo gaas waana tan keentay in Kenya diidmo kala hortagto go’aanka maxkamadda hoostagta Qaramada Midoobay gaartay.
Kalluumeysatada Lamu ayaa si joogta ah uga soo kallumeysta Badda, Abubakar Twalib ayaa sheegay in 30 sano uu ku jiray howsha kalluumeysiga gaar ahaan dhulka dhanka Soomaaliya loo xukumay in uu maro.
Tiro kalluumeysato ah oo iyagana la hadlay Emmanuel Igunza oo katirsan Suxufiyiinta BBC-da oo Warbixintaan ka diyaariyay ayaa wacad ku maray in aysan aqbali doonin in uu dhaqangalo go’aanka maxkamadda iyaga oo ku dooday in ay waayayaan khayraatka ay helaan.
“Dhammaantood waxa ay ka soo jilaabban jireen biyaha Soomaaliya, hadda waa shaqo la’aan oo kalluumaysata ma haystaan waxa ay ku maareeyaan nolal maalmeedkooda, muranka labada waddan awgii” ayuu yiri Abubakar.
70% kalluunka lagu iibiyo jasiiradda Lamu ayaa laga keenaa dhanka Badda Soomaaliya loo xukumay ee badweynta Hindiya. Waxaa laga heelaa noocyada ugu qaalisan kalluunka, gaar ahaan aargoosatada.
“Haddii uu dhaqangalo go’aanka maxkamadda, waxa uu nooga dhigan yahay geeri. Waxa aan ka cabsi qabnaa in ay ka dhalato saamayn ballaaran. Waxaa suuragal ah in argagixasada ay ka faa’iideysato kalluumaytada shaqo la’aanta ah” ayuu yiri Abubakar Twalib.
Abubakar ayaa sheegay in sanado badan ay ka kalluumaysanayeen baddaas, haddana ay u muuqdaan kuwo ajaaniib ku ah dhulkooda marka la eego dhinaca xukun ahaan aaggaas u gacan galayo maadaama Maxkamadda ICJ go’aamisay.