Kala Carar Iyo Qax Ka Bilowday Magaalada Kyiv Ee Caasimadda Ukraine

0
307

Kala Carar Iyo Qax Ka Bilowday Magaalada Kyiv Ee Caasimadda Ukraine

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay howlgal Militari oo laga fuliyo Ukraine abbaaro 5.55am xilliga Moscow – daqiiqado kaddibna gantaallihii ugu horeeyay ayaa dhawaqooda laga maqlay Ukraine, sida ay wararku sheegayaan.

Gudaha Caasimahha Kyiv, dhiillo ayaa ka soo yeertay, sawirrada ayaana muujinaya gawaari ku qulqulaya oo isku ciriirinaya meelaha sida deg-degga ah looga baxo Caasimadda iyadoo dadkuna ay magaalada ka qaxayaan.

Dadka ayaa baraha bulshada lagu arkayay iyagoo baqdin daran ay ka muuqato, iyadoo qaarkood ay sheegayaan inay ku carareen meelo ay ku dhiintaan.

Muuqaallada telefishinnada ayaa muujinaya dad ku duceysanaya waddooyinka dhexdooda, iyagoo koox koox ah.

Weriyaha wargeyska Guardian Luke Harding oo ku sugan Kyiv ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in dad yar lagu arkayo waddooyinka, dadkuna ay safaf ugu jiraan mashiinnada lacagaha lagala baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here