Joe Biden oo ku dhawaaqay in maanta ay dhaqangaleyso xabbad-joojinta Israa’iil & Xisbullaah
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay dhaqangaleyso xabbad-joojin ay wada galeen Labada Ra’iisul Wasaare ee Israa’iil iyo Lubnaan si loo joojiyo weerrada labadaan dhinac.
Joe Biden oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada Lubnaan iyo Israa’iil ay qallinka ku duugeen heshiiskaan xabbad-joojinta ah ee maanta dhaqangalka noqoneysa si loosoo afjaro dagaalka socda.
Ciidanka Israa’iil ayaa dib uga guran doonna deegaanno dhaca xad-beenaadka ay la wadaagto Israa’iil sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhammaanaya ee Joe Biden.
Kumanaan ruux ayaa ku geeriyootay duqeymaha ciidanka Israa’iil ay ka geysteen Dalka Lubnaan, Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa ka shaqeeyay sidii xabbad-joojintaas loo gaari lahaa si dagaalka loo qaboojiyo.
La soco wixii kasoo kordha