Jabuuti Oo Mar Kale Soo Saartay Go’aan Loogu xirayo xudduudaheeda

0
391

Jabuuti Oo Mar Kale Soo Saartay Go’aan Loogu xirayo xudduudaheeda

Dowladda Jabuuti ayaa mar kale xirtay xudduudaheeda kaddib markii uunsoo laba kacleeyey fayraska Karoona oo maalmihii la soo dhafay kiisas badan laga diiwaan geliyey dalkaasi.

War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadduudaha dhanka dhulka la xirayo muddo 15 maalmood ah, si loo xakameeyo faafitaanka fayraska.

Jabuuti waxay ka mid ahayd dalalka Afrika ee uu sida ba`an ugu faafay fayraska Karoona, hase yeeshee dadaal ay dowladdu sameysay ayaa lagu sheegay inay yaraadeen kiisaska, muddooyinkii ugu dambeeyay.

Bilihii ugu dambeeyay xanuunka coronavirus ayaa ka dabar go`ay dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda ayaa lagu sheegay inaysan jirin kiisas cusub, isla markaana dhammaan dadka uu ku dhacay ay ka bogsadeen. Balse shalay oo keliya ayay wasaaraddu shaacisay 30 kiis oo fayraska ah, balse faahfaahin kama bixin halka ay kiisaskaasi ka yimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here