Jabhadda Hubeysan Ee TPLF Oo Mareykanka Si Kulul Ugu Jawabaabtay

0
380

Jabhadda Hubeysan Ee TPLF Oo Mareykanka Si Kulul Ugu Jawabaabtay

Afhayeen u hadley mucaaradka TPLF, ayaa sheegay in digniinta uu u soo jeediyey Mareykanka mucaaradka ay tahay wax aan la aqbali Karin, gaar ahaan isku daygooda la xiriira dhanka galista caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey digniinta Mareykanka katimid mid wax kama jiraan ah

Bishii ina dhaaftey ee Oktoobar, jabhadda TPLF ayaa qabsatey magaalooyinka Kombolja iyo Desse, oo ku yaalla waqooyi galbeed ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxey qabsadeen TPLF wado weyn oo halbawla ah, taasoo gobolka Tigreega ku xireysa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyadoo taa sare u qaadey suurta galnimada ay TPLF ku gali karto magaalada Addis Ababa.

Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey wax lagu qoslo digniinta iyo hadalada kasoo yeeraya Mareykanka. Wuxuu intaa ku darey afhayeenku in Mareykanku aaney dooneyn in TPLF ay galaan magaalada Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here