Jaamacada Oxford oo ku guuleysatay Tallaalka Cudurka Coronavirus

0
453

Jaamacada Oxford oo ku guuleysatay Tallaalka Cudurka Coronavirus

Jaamacadda Oxford ee ku taal dalka Britain ayaa ku guuleysatay inay hesho tallaal ayey u badantahay in aanu aadanaha waxba yeelayn oo uu carinayo difaaca jirka.

Dad lagu tijaabiyey oo tiradoodu gaarayso 1077 qof ayaa muujiyey in jirkoodu samaystay maadada difaaca jirka ee Antibodies-ka la yidhaa iyo sidoo kale T-cells oo la dagaalami kara fayraska korona.

Natiijadan soo baxday waxay abuurtay rajo weyn, laakiin wali si buuxda looma odhan karo talaalkani si buuxda ayuu qofka uga difaaci karaa laakiin waxa socda tijaabooyin kale oo intan ka badan.

Ingiriiska ayaa durba dalbaday 100 milyan oo irbadood oo talaalkaas ah.
Talaalkan ayaa loogu magac daray ChAdOx1 nCov-19 waxaana lagu samaynayaa dardar aan hore loo arag.

Waxa laga sameeyey fayras laga soo dheegay fayraska keena hargabka caadiga ah ee ku dhaca nooc daayeerada ka mid ah.

Kadibna si weyn baa loo dhalan rogay, dadku ma kala qaadi karaan waxaana sidoo kale loo ekaysiiyey fayraska corona.

Saynisyahannadu waxay sameeyeen in ay hidde sideyaashiisii taranka qaabilsanaa talaalkan ay sameeyeen ku dhaabaan “fallaarihiisa duxda ah” taas oo ah waxa keliya ee u sahla inuu fayraskani galo unugyada jidhka.

Arintaasi waxay ka dhigantahay in talaalku u ekaanayo fayraska korona sidaa awgeedna uu hab-dhiska difaaca jidhka barayo inuu weeraro fayraska karona.

Antibodies-ku waa dux yaryar oo uu soo saaro hab-dhiska difaacu oo isku daboosha oogada fayrasyada. Waxaanay Antibodies-kaasi dili karaan fayraska korona.
T-cells waa nooc ka mid ah unugyada dhiigga cad oo kaalin weyn ka ciyaara wadashaqaynta hab-dhiska difaaca waxaanay awood u leeyihiin in ay dareemaan unugyada jidhka kuwooda fayrasku galay oo ay baabiiyaan.

Ma jirto saamayn halis ah oo talaalku keeni karo, hase yeeshee 70% dadkii lagu tijaabiyey waxay yeesheen xummada ama madax xanuun.
In ka badan 10,000 oo qof oo kale oo Ingiriiska ku nool ayaa ka qayb geli doona heerka labaad ee tijaabada.

Waxa sidoo kale tijaabadan labaad la gaarsiin doonaa dalal kale maadaama oo heerka fayraska korona ee Ingiriisku haatan hoos u dhacay oo ay adkaanayso in lagu ogaado wax tarka talaalka.

Waxa tijaabo ballaadhan laga samayn doonaa dalka Maraykanka oo 30,000 oo qof ka qayb geli doonaan iyo sidoo kale Koonfur Afrika 2000 oo qof iyo Brazil oo 5000 oo qof ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here