iyo Sacuudiga oo badda cas ka sameyn doona Dhoolatus Militeri

0
16

iyo Sacuudiga oo badda cas ka sameyn doona Dhoolatus Militeri

Iran ayaa ku dhawaaqday in ay dhoolatus milateri wadajir ah la sameyn doonto Sacuudiga, kaasoo ka dhici doona Badda Cas.

Taliyaha ciidamada badda Iran, Admiral Shahram Irani, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay codsadeen in la qabto hawlgalladaas, wuxuuna tilmaamay in iskudubaridada ay socoto.

Bayaanka laga soo xigtay wakaaladda wararka Iran ee ISNA wuxuu muujinayaa in wufuud ka kala socota labada dal ay qaban doonaan wadatashiyo lagama maarmaanka ah si ay u qorsheeyaan dhoolatuska.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga iyo meeshii dhoolatuskaasi ka dhici doono.

Tani waxay muujineysaa isbedelka ku yimid xiriirka labada dal, iyadoo la ogsoon yahay in Sacuudiga iyo Iran ay leeyihiin taariikh dheer oo khilaaf joogto ahaa.