Itoobiya oo Soomaaliya iyo Rwanda kaga guuleysatay xubinnimada Golaha fulinta Midowga Afrika

0
68

Itoobiya oo Soomaaliya iyo Rwanda kaga guuleysatay xubinnimada Golaha fulinta Midowga Afrika

Itoobiya ayaa Arbacadii loo doortay xubin ka tirsan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) intii uu socday shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababa, kaasoo mudadeedu noqon doonto saddex sano ah.

 

38-cod ayay Itoobiya ku guuleysatay Kursiga Bariga Afrika, iyadoo ka sareysa Rwanda iyo Soomaaliya oo helay hal cod iyo toban cod, guushan ayaa xoojinaysa joogitaanka diblomaasiyadeed ee Itoobiya ee hay’adda ugu saamaynta badan dhinaca amniga ee qaaradda, sidoo kalana ay dalkeedi ku taal Xarunta Midowga Afrika.