Itoobiya oo Fursado Maalgashi siineysa Shirkado Ajaanib ah.

0
457

Itoobiya oo Fursado Maalgashi siineysa Shirkado Ajaanib ah.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa qorsheysay in Bangiyadeeda ay u furto Shirkado shisheeye si ay u hesho dhaqaale xooggan oo ay rabto in ay dib uga soo kabato dhibaatooyinka kasoo gaaray dagaallada, Xayiraadda Covid-19 & Abaarta.

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa Baarlamaanka Federaalka Itoobiya u gudbineysa qorshahaan oo haddii uu u ogaado tartan furan la dhex dhigi doono Shirkadaha shisheeye si kala xulashadooda u fududaato sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan Xafiiskiisa.

Shirkadaha ugu badan ee fursaddaan ka faaiideysanaya waxa ay ka diiwaangashan yihiin Japan, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa qorsheyneysaa in ay dhaqaale badan ka hesho marka maalgelinta loo helo 18 Bangi.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale daneyneysa in maalgelin kale ay u hesho dhinaca isgaarsiinta maadaama shatiyada ay sii siisay Shirkado ay kamid yihiin Safaricom Kenya, Vodacom oo Koofur Afrika ah, Vodafone oo Britain ah & Sumitomo oo Japan ah.

Dagaalkii ka dhacay Itoobiya ee ka billawday dib u dhigista Doorashada Dalkaas ayaa hoos u riday dhaqaalihii yaraa ee Dowladdaas ku tashaneysay kaddib markii ay xirmeen Warshado, Dhul beereed dakhli badan laga heli jiray la tagi waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here