Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso

0
467

Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban oo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dhexmartay Ciidanka Maamulka Puntland iyo kuwa PSF ee amar qaata Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Diyaano.

Israsaaseynta oo ka dhacda Xerada Cowska Boosaaso ayaa waxaa la sheegay inay si gaar ah u dhexmartay Ciidanka PSF ee ka amar qaata Taliyaha magacaaban S/guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Kheyr iyo kuwa Agaasimihii hore ee Maxamuud Cismaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Israsaaseynta, waxaana ku dhintay hal Askari, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, sida uu VOA u sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Bari ee Puntland G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano lagu sameeyn doono sida ay ku bilaabatay Israsaaseyta ka dhacday Boosaaso, isagoona xusay in falkaas dhacay uusan waxba u dhimeynin waan-waanta nabadeed ay wadaan Isimada Puntland.

“Waa la baarayaa, sida ay wax ku dhaceen, lama wada qaadanayo cidda yeelaneysa masuuliyadda, cidda dhinaceeda ay ka timid ayaa qaadaneysa oo loo sinnaan maayo, wax u dhimis-na waxaan oran karaa dadku caqli bay leeyihiin, ma malaynayo wax badan inay u dhimeyso” ayuu yiri Taliye Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 24-kii bishii December ku dhawaaqay xabad joojin ka dhaqan-gasha Magaalada Boosaaso, ka dib dagaalkii saddexda maalmoo ka socday magaaladaasi, waxaana weli xal buuxa laga gaarin xiisada ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here