Isku dhac ka dhacay Magaalada Labaad ee ugu weyn ee Guinea oo sababay geerida ku dhawaad 100 ruux
Isku dhac iyo isbuurasho isbarbar socday oo ka dhacay Garoon lagu dheelo kubadda Cagta oo ku yaalla N’Zerekore oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Dalka Guinea waxaa ku dhintay daraasiin ruux halka kuwa dhaawacmay la geeyay goobaha Caafimaadka.
Goobjoogayaal la hadlay Wakaaladda Wararka AFP ayaa u xaqiijiyey in dadka dhintay intooda badan ay ka baxsanayeen sunta dadka illinta ka keenta ee Booliisku adeegsanayay si uu u joojiyo rabshadaha xiligaas socday.
Dadka dhintay qaarkood waxaa jirkooda ka muuqda jirdil loo badinayo in ay Ciidamadu u geysteen halka qaar kale neefta ku dhegtay maadaama ay waayeen Oksijiinka ay u baahnaayeen sida hadalka loo dhigay.
Dhimashu waxa ay ku dhow dahay 100 ruux halka tiro kale dhaawac soo gaaray sida ay sheegeen ilo si dhaw ula socday rabshadaha ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee ku yaalla Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Guinea.
La soco wixii kasoo kordha