Iska Horimaad Ka Dhacay Duleedka Boorama Iyo Taliye Ku Dhaawacmay

0
503

Iska Horimaad Ka Dhacay Duleedka Boorama Iyo Taliye Ku Dhaawacmay

Faah faahino ayaa laga helayaa iska horimaad barqanimadii Maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland iyo rag hubeysan ku dhexmaray duleedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland…

Iska horimaadka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay goob laga qodo dahabka oo ku taalla duleedka Magaalada Boorama, waxaana la sheegay in Ciidanka Booliska ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo halkaas joogay.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in iska horimaadka uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah, isla markaana waxaa ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska ee Gobolka Awdal iyo Askar kale oo la socotay.

Saraakiisha Booliska Somaliland ayaan weli ka hadlay dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay jirto xiisad u dhexeeysa ragga hubeysan iyo Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here