Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo oo maanta dhaqangelinaya Xabad-joojin ka hirgasha Yemen.

0
335

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo oo maanta dhaqangelinaya Xabad-joojin ka hirgasha Yemen.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ayaa aqbalay xabad-joojin gadaal ay ka riixeyso Qaramada Midoobay si gargaar loo gaarsiiyo waddanka xadka la wadaago ee Yemen loogana saaro go’doonka dhowrka sano uu ku jiro Dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in xabadda la joojiyo si Maraakiib badeecado wada ay ugu xirtaan Dalkaas si loo dhaliyo hannaan lagu yareynayo cunno la’aanta loogana hortagayo dhibaatooyinka Bani aadamnimo.

Xabad-joojinta ayaa dhaqangaleysa inta lagu guda-jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ku beegan billawga todobaadka soo socda, tobanaan kun oo ruux ayaa ku dhintay dagaallada iyo duqeymaha ka socda Yemen tan iyo 2015.

“Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo waxa uu dhaqangelinayaa Xabad-joojin loogu talagalay in Bisha Ramadaan gurmad lagu siiyo Dadka Yemen, go’aankaan ayaa billawday Arbaco 30ka Maarso 2022 gaar ahaan 6:00AM (6-da Aroornimo), si Xal siyaasadeed loo helo waxaa sii soconaya Dedaallada nabadeed” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Sacuudiga.

Arrintaan haddii ay dhaqangasho waxa ay fursad u noqon doontaa Dadka reer Yemen ee saameynta taban uu ku reebay Dagaalka u dhaxeeya Isbaheysiga Sacuudiga iyo Kooxaha Xuutiyiinta ee loo tiiriyo in ay garab ka helaan Iiraan.

Garoonka Diyaaradaha Sanca oo xirmay 2015 ayaa lagu wadaa in si KMG ah loo furo halka maraakiib shidaal, cunno iyo badeecado kale wada in ay ku xirtaan mid kamid ah Dekedaha gacanta Xuutiga ku jira.

Kooxdaan caasimadda heysata ayaa isku dayday in xilka awood uga tuurto Maamulka Cabdirabbu Mansuur Haadi 2014 balse saldhigtay Magaalada Cadan, waxa uu garab weydiistay Isbaheysiga Sacuudiga oo duqeyn & weeraro ka geystay Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here