Iran oo sheegatay in ay gacanta ku dhigtay dukumiintiyo xasaasi ah oo la xiriira nukleyrka Israa’iil

0
22

Iran oo sheegatay in ay gacanta ku dhigtay dukumiintiyo xasaasi ah oo la xiriira nukleyrka Israa’iil

Telefishinka qaranka Iran ayaa Sabtidii sheegay in Iran ay heshay dukumeenti xasaasi ah oo Nukliyeerka Israel ah iyada oo loo marayo “weero sirdoon oo ballaaran”. Warbixintu ma aysan bixin macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida Iran ay ku heshay dukumentiyada.

 

Warkan oo si kooban looga baahiyay TV-ga qaranka ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonka Iran ay heleen xogo istaraatiiji ah oo xasaasi ah iyo dukumeentiyo ay ku jiraan kumanaan qoraal oo la xiriira mashaariicda iyo xarumaha Nukliyeerka ee ay Israel leedahay.

 

Israa’iil ayaan weli ka hadlin sheegashada Iran.

 

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Iran ee Tasnim, wasiirka sirdoonka Iran Hojatoleslam Seyyed Esmail Khatib ayaa sheegay in dukumentiyada Nukliyeerka ee Israel lagu wareejiyay Iran.