Iran oo gantaal ku garaacday isbitaal ku yaala Israa’iil

0
13

Iran oo gantaal ku garaacday isbitaal ku yaala Israa’iil

Isbitaal ku yaalla magaalada Beersheba ee Israa’iil ayaa goor hore oo subaxnimada manta ah lagu garaacay gantaal ay Iiraan leedahay iyadoo dagaalku galay maalinkii 7-aad.

 

Muuqallo gobta laga soo duubay ayaa muujinaya burbur baaxad leh, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan dhaawacyo.

Seeriga digniinta ee duqeymaha cirka ah ayaa laga maqlay guud ahaan Israa’iil waxaana jira warar sheegaya in ugu yaraan lix weerar oo kale halka dhaawacyo kale oo badan laga soo sheegayo magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

 

Lixdan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa xalay beegsaday Iran – ka dib markii Israa’iil ay uga digtay dadka inay ka baxaan aagga dhexe, oo u dhow magaalada Arak ee waqooyi galbeed ee Iiran.

 

Wixii ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan