Ingiriiska oo beegsanaya Dadka Tahriibayaasha kasoo gudbiya Xad badeedka uu Dalkaas la wadaagto Faransiiska

0
35

Ingiriiska oo beegsanaya Dadka Tahriibayaasha kasoo gudbiya Xad badeedka uu Dalkaas la wadaagto Faransiiska

Dowladda Ingiriiska oo raadineysa xalka ay ku xakameyneyso qulqulka tahriibayaasha xad-dhaafka ah ee kasoo gudbaya xad-badeedka ay la wadaagto Faransiiska ayaa markaan dejisay qorshe oo xal u noqon kara sida ay aaminsan tahay.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in la beegsado Dadka lacagaha ku qaata kala gudbinta Tahriibayaasha, xalkaan waa kahortagga soogalootiga sanadkaan ku kordhay Dalkaan oo dhaqaalihiisu aad usii liidanayo tan iyo markii uu ka baxay Midowga Yurub.

Afar Doon oo waday ugu yaraan 1,500 oo ruux ayaa ka gudubtay biyo xuduudeedka Ingiriiska uu la wadaago Faransiiska kuwaas oo haatan lagu hayo goobaha loogu talagalay in la dejiyo Dadkaan safarka halista badan soo gabagabeeyay.

Waxaa horay u shaqeyn waayay isku daygii ahaa in Dowladda Ingiriiska ay dib ugu celineyso Faransiiska Dadka doomaha kasoo raaca ee dhankooda usoo gudba, taasi waxa ay London dhaxalsiisay in dadka intooda badan ay u diido sharciga degenaashiyaha.

Dalal badan oo Yurub ah waxaa dacallada Xuduudaha ay wadaagaan isaga kala gudba tahriibayaal kala dhalasho duwan kuwaas oo laga xusi karo Soomaaliya, Suuriya, Itoobiya iyo Waddamo kale oo u ah kuwa dhaca Qaaradda Aasiya.