Induniisiya: Dhulgariri cusub oo laga cabsi qabo inuu ku dhufto iyada oo Folkaana Krakatau uu markale qarxay

0
564

Induniisiya: Dhulgariri cusub oo laga cabsi qabo inuu ku dhufto iyada oo Folkaana Krakatau uu markale qarxay

Dadka ku nool deegaannada ku dhaw meesha uu ku qarxay Filkaanaha Anak Karakatau ayaa looga digay iney xeebaha ka fogaadaan maadaamaa Folkaanahaasi ay ka dhalan karto dhulgariir horleh.

Maalinti Sabtida Dhugariir ku dhuftay jasiiradaha Sumatra iyo Java ee dalka Induniisiya waxa ku dhintay ugu yaraan 281 qof iyada oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 1016 qof.

Qaraxa Folkaanaha jasiiradahaasi ka qarxay ayaa loo sababeeyey dhul go’ badda hoosteeda ka dhacay taasina ay keentay iney mowjado waaweyn badda ka soo kacaan.

Markale ayuu Folkaana Karartau ka qarxay halkaasi iyada oo la arkayo qaac iyo dambaska Foolkaanaha oo cirka isku shareeray.

Muuqaal diyaarad looga soo duubay qaraxa Folkaanaha ayaa muujinaya inuu Folkaanaha dambe uu ka qarxay Sunda Strait oo u dhaxeysa jasiiradaha Sumatra iyo Java.

Dambaska Folkaanaha Anak KrakatauLahaanshaha sawirkaREUTERS/ANTRAFOTO
Image captionDambaska Folkaanaha Anak Krakatau oo cirka isku shareeray

Dadaal xooggan oo gurmadka degdegga ah ayaa ka socda jasiiradaha ay masiibadu ku habsatay iyada oo waddooyinka go’ay furitaankooda laga shaqeynayo.

Folkanaha Anak KrakatauLahaanshaha sawirkaOYSTEIN LUND ANDERSEN
Image captionSawir muujinaya qaraxa Folkanaha Anak Krakatau

Digniinta la bixiyey maxay tahay?

Madaxa Wakaaladda Maareynta Masiibooyinka ee Induniisiya, Sutopo Purwo Nugroho oo shir jaraaid qabtay aya wuxuu sheegay iney duufan iyo dhul gariir kalaba dhici karto maadaamaa qaraxa Folkaanaha uu sii xoogeystay.

Wakaaladda saadaasha hawadana waxay ka digeysaa iney shacabku yareyaan dhaqdhaqyada ay ka sameeynayaan dhul xeebeedka ayna ka fogaadaan maadaamaa ay inta badan duufaanta saameysa dhul xeebeedka ay dadku u tamashala tagaan.

Folkaanaha Ana Karalatau, InduniisyaLahaanshaha sawirkaGALLO IMAGES/ORBITAL HORIZON/COPERNICUS SENTIN
Image captionMuuqaal Satalite oo muujinaya Folkaanaha Ana Karalatau oo qarxay Bisha August

Folkaanaha dunida ka qarxo 13% ayaa la sheegaa inuu ka qarxo dalka Induniisya oo keli ah taasoo dhibaata weyn ku haysa dalkaasi.

Bandhig faneed socday xilliga ay duufaantu dhaceysayLahaanshaha sawirkaSOCIAL MEDIA
Image captionBandhig faneed socday xilliga ay duufaantu dhaceysay

Duufaanta ku dhufatay jasiiradaha Sumatra iyo Java maalinti Sabtida waxaa ku burburay dhismayaal aad u badan waxaana intooda badan go’ay ama ay biyuhu qarqiyeen waddooyinka jasiiradahaasi ku yaallay.

Khariidad
Image captionKhariidad

Duufaanta Tsunami maxaa sababa?

Cidwalba oo ku nool deegaannada inta badan ay duufaanta ku dhufato wey ogyihin inuu marwalba deegaannadaasi Folkaana ka qarxi karo maadaamaa dhul xeebeedka uu duufaanta u nugul yahay.

Inta badanna waxay duufaanta ka soo kacdaa dhinaca badda Indiya.

Jaantus muujinaya Folkaanaha Tsunami
Image captionJaantus muujinaya Folkaanaha Tsunami

Duufaanta Tsunami ee Induniisiya maxaa joogta ka dhigay?

Dadka degganaa Deegaanka Pandeglang oo duufaanta kaddib masaajid gabbaad ka dhigtayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDadka degganaa Deegaanka Pandeglang oo duufaanta kaddib masaajid gabbaad ka dhigtay

Khubarada ku xeel dheer arrimahan ayaa waxay sheegayaan Induniisiya iney marar badan duufaan iyo dhul gariir ku dhufato ay uga wacan tahaay dhulka uu dalku ku fadhiyo oo ah dhul u nugul qaraxa Folkaanaha.

Waxayna Khubarada sheegayaan khadka dhulka u nugul qaraxa Folkaanaha ee uu ku yaallo dalka Induniisiya in loo yaqaanno Pacific rim.

sawir la qaaday July 19, 2018Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionSawirka qarxa Folkanaha Anak Krakatau

Bishii September Dhulgariri iyo foolkaana hal mar ku wada dhufatay magaala xeebeedka Palu oo ku taallo badda India waxaa ku dhimatay 2,000 oo qof.

Bisha December 2004-tii duufaanti Suunaami ee ka dhalatay dhulgariir waxaa ku dhimatay 228,000 oo qof oo 14 dal kala duwan u dhalatay balse intooda badan ay u dhasheen dalka Induniisiya..

Induniisiya iyo Folkaanaha (Karakatau)

Qaraxa Folkaanaha Anak KarakatoaLahaanshaha sawirkaOYSTEIN LUND ANDERSEN
Image captionSawir muujinaya Qaraxa Folkaanaha Anak Karakatoa

Bisha August 1883, Folkaanaha Krakatoa oo ka qarxay dalka Induniisya ayaa ahaa kii ugu xumaa oo taariikhda dalkaasi soo mara:

  • Duufaan mowjada waaweyn wadatay oo halkaa ku dhufatay waxaa ku dhimatay 30,000 oo qof.
  • Kumannaan kalana waxay ku dhinteen kuleylka Folkaanaha ka soo baxayey.
  • Folkaanahaasi awooddiisa waxaa lagu qayaasay 13,000 jibbaar uu ka cuslaa Bamki Atomika ahaa uu mareykanka ku dhuftay Heroshima 1945.
  • Waxaana Folkaanahaasi qaraxiisa laga maqlayey dhowr kun oo kilo meetir.
  • Sanadki xigay Cimilada dunida waxaa ku koradhay kul dhan 1C (cabbirka heer kulka)
  • Jasiiradda uu Folkaanahaasi ka qarxayna gabi ahaanba wey baaba’day.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here