In ka badan 200 ruux oo lagu dilay gudaha dalka Suudaan muddo saddex maalmood gudahood ah.

0
53

In ka badan 200 ruux oo lagu dilay gudaha dalka Suudaan muddo saddex maalmood gudahood ah.

Ciidamada dowladda Suudaan ayaa dilay in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur weerar saddex maalmood socday oo ay ku qaadeen tuulooyin ku yaalla koonfurta dalka.

 

Warbixin ay soo saareen koox qareeno ah ayaa waxaa lagu sheegay in weeraradaasi ay ka dhaceen tuulooyinka Al-Kadaris iyo Al-Khelwat ee gobolka White Nile.

 

Waxay intaas ku dartay in RSF ay fulisay afduub, iyo dhac intii lagu jiray weerarka oo socday tan iyo Sabtidii, kaas oo sidoo kale sababay boqolaal dhaawac ama la la’yahay.

 

Tan iyo bishii Abriil 2023, Suudaan waxaa ka socday iskahorimaad bahalnimo oo u dhexeeya ciidamada taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo ku xigeenkiisii ​​hore, taliyihii RSF Mohamed Hamdan Daglo.