In ka badan 2 Milyan oo ruux oo ku barakacday Daadad xooggan oo ku rogmaday

0
34

In ka badan 2 Milyan oo ruux oo ku barakacday Daadad xooggan oo ku rogmaday

Gobolka Punjab ee dhaca Bariga Dalka Pakistan oo daadad xooggan oo ka dhashay Roob mahiigaan ah oo ka da’ay dalkaas ayaa salkiciyay dad kor u dhaafaya 2 Milyan oo haatan hooy la’aan ku haysato qaybo kamid ah Waddankaas.

Dadka deegaanka ee Punjab oo adeegsanaya doomo ayaa isaga baxay deegaannadooda, muuqaallo lasoo duubay waxaa ka muuqda dadkaan oo xitaa qaatay waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha iyo Gaadiidka fudud sida Mootooyinka labada lug leh iyo baaskiilo.

Teleefishinka Pakistan ayaa sheegay in dadkaan intooda badan lagu guulaystay in laga saaro goobaha halista xooggan ka jirto balse cabsida taagan ay tahay in qaadka Doomaha uu bato miisaan ahaan isla markaana rogmadaan.

“Daadadku si xooggan ayay u socdeen, guryaheenna waan joogi waynay oo cabsi darteed ayaan isaga baxnay, intii aan awoodnay in aan la baxno ayaan horay usii qaadanay si aan nafteenna u badbaadsano” Sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah Dadka Gobolka Punjab.

Qaybo badan oo kamid ah Dalalka isku dhow ee Pakistan, Afgaanistan iyo kuwo kale oo dhaca Qaaradda Aasiya waxaa saamayn taban ku reebay aafooyinka ka dhashay isbaddelka Cimillada iyada oo malaayiin ruux ay barakaceen halka tobanneeyo ay ku dhinteen.