Imaaraatka oo Soomaaliya ku daray Dalalka uu ka mamnuucay Fiisaha dalkaas in ay helaan sanadka 2026
Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo Cusboonaysiin ku sameeyay Liiska Dalalka uu ka mamnuucay in ay helaan Dal ku galka dalkaas sanadka soo socda 2026 ayaa Soomaaliya kusoo daray sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowladdaas.
Liiska Dalalkaan ee Soomaaliya lagu daray waxa ay kala yihiin: 1-Afghanistan, 2-Libya, 3-Yemen, 4-Somalia, 5-Lebanon, 6-Bangladesh, 7-Cameroon, 8-Sudan & 9-Uganda.
Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ma bixin faah-faahin la xiriirta sababta dhalisay go’aankaan, waxaa jira warar la hadal hayo oo la xiriira dhinaca Amniga oo saamayn oo sal u ah rabshadaha ka jira Dalalkaan kusoo baxay liiskaan.
Soomaaliya waa ay uga duwan tahay Imaaraatka marka la eego Dalalkaan kale maadaama uu ka dhaxeeyo heshiisyo dhinacyo badan taabanaya sida Ganacsiga, Amniga & Siyaasadda inkasta oo aan la ogayn sida uu u saamayn karo.
Dowladda Soomaaliya weli ma bixin jawaab la xiriirta tallaabada Imaaraatka Carabta, waxaa la sugayaa in ay war kasoo saarto maadaama arrintaan ay muhiim u tahay isu socodka labada Dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.
























