Imaaraatka Carabta oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda DG Puntland

0
46

Imaaraatka Carabta oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda DG Puntland

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ku biirtay howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Dowlad-Goboleedka Puntland gaar ahaan Buuraleyda Calmiskaad Gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedkaas.

Imaaraatka ayaa taageera qaar kamid ah Ciidamada Dowlad-Goboleedkaas, waxa uu ka gacansiiyaa dhaqaalaha, tababarka iyo saanadda ciidan ay u baahan yihiin waana tan keentay in uu howlgalku qayb ka noqdo.

Duqeynta Imaaraatka waxa ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Darar-Madoobe, waxaa halkaas ku sugnaa xubno katirsan Daacish iyada oo sidoo kale la gubay gaari nooca xamuulka qaada ah oo loo badinayo in uu qaraxyo waday.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu kordhiyay howlgallada ka socda Gobolka Bari oo doorkooda uu ku leeyahay ah fulinta weerarrada cirka ah sida in diyaarado lagu duqeeyo dhulka buuraha isku xiran ah.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka kala sarreeya ee Gobolka Bari.