Ilhaan Cumar: “Sidii Trump uu u yimid nacaybka Islaamka loo qabo hoos uma dhicin”

0
171

Ilhaan Cumar: “Sidii Trump uu u yimid nacaybka Islaamka loo qabo hoos uma dhicin”

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa shalay booqatay Masaajidka Al-Raxma ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo dhawaan dab la qabadsiiyey dabaqiisa ugu saereeya, iyadoo la xiray ninkii falkaasi ka dambeyay kaasi oo sidoo kale horey isugu dayeyey masaajid kale in uu gubo.

Ilhaan Cumar ayaa xustay in markii masaajidkan la weeraray ay sheegtay in loo baahan yahay in la garab istaago masaajidka isla markaana shakhsigii dhibka gaystay ay tahay in maxakamad la soo taago.

Waxay intaa ku dartay in hadda laga shaqeynayo sharci lagu difaacayo goobaha cibaadada.

Ninka loo xiray gubidda dhismaha masjidka, ayay Ilhaan sheegtay in sidoo kale waraaqo hanjabaado ah uu soo gaarsiyay xafiiskeeda.
Waxay sidoo kale sheegtay in nacaybka Islaamka uusan hoos u dhicin, tan iyo markii uu talada Mareykanka qabtay, madaxweynihii hore Donald Trump, oo dhowr jeer xildhibaanadda ay hadallo kulul is weydaarsadeen.

Halkan ka dhegeyso wareysi gaar ah oo ay Ilhaan Cumar siisay BBC-da, ayna uga warrameyso arrimo dhowr ah, waxay u warrantay weriye Siyaad Siciid Saalax:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here