Ilhaan Cumar oo ka hadashay hadalka Trump ee ah inuu amray duqeynta cirka ee Daacishta Soomaaliya
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhoweysay hadalka madaxweynaha dalkaa, Donald Trump, ee ah inuu amray duqeynta cirka ee loo geystay Daacishta Soomaaliya.
Qoraal ay xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay inay rajeyneyso in kooxda laga guuleysto.
“Haa, waa sida ay tahay inaan sameyno. Waa rajadeyda daacadda ah in Isis iyo Alshabab laga guuleysan doono dadka Soomaaliyana ay arki doonaan dhammaadka argagixisada.” Ayay ku tiri qoraalkeeda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.
“Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri Madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
“Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka.”