Iiraan oo xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay inuu uu la shaqeynayay Sirdoonka Israa’iil

0
14

Iiraan oo xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay inuu uu la shaqeynayay Sirdoonka Israa’iil

Warbaahinta Mizan Online, oo hoostagta hay’adda garsoorka Iran, ayaa sheegtay in la fuliyay xukun dil ah oo lagu riday Ismaaciil Fikri, kaasoo lagu eedeeyay inuu ahaa basaas si qarsoodi ah ula shaqeynayay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Sida lagu sheegay warbixinta, Ismaaciil Fikri ayaa la sheegay inuu sir qarsoodi ah iyo xog xasaasi ah u gudbiyay cadowga Iran, isagoo si toos ah ula xiriiray labo sarkaal oo ka tirsan Mossad intii uu u shaqeynayay Israa’iil.

Waxaa la xusay in Fikri la xiray bisha Diseembar 2023, islamarkaana lagu soo oogay dacwado la xiriira basaasnimo iyo qalqal galinta amniga qaranka.

Garsoorka Iran ayaa ku tilmaamay dilka Ismaaciil Fikri inuu yahay dhirbaaxo sirdoon oo culus oo loo geystay shabakadda basaasiinta Israa’iil, gaar ahaan Mossad.

Iran kama aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta goobta lagu fuliyay xukunka, balse arrintan ayaa imaneysa xilli xiisadda kala dhaxeysa Israa’iil ay sii kordheyso.