Iiraan oo soo saartay Digniin ka dhan ah dalalka Yurub

0
512

Iiraan oo soo saartay Digniin ka dhan ah dalalka Yurub

Madaxweynaha Iiraan xasan Ruuxaani ayaa wadamada reer Galbeedka ugu baaqay in ciidankooda ay kala baxaan bariga dhexe hadii kale ay wajihi karaan Qatar Xoogan.

Maanta waxaa Qatar wajahaya Milatariga Mareykanka barito waxaa qatarta wajihi doona kuwa Yurub, hadii aysan ka bixin gobolka ayuu yiri Arbacada maanta ah kadib Khudbad uu ka jeediyay Ruuxaani tv-ga qaranka Iiraan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya maalin uun kadib markii wadamada UK Faransiiska iyo Jarmalka ay ku eedeeyeen xukuumada Tehran in ay jabisay heshiiskii hubka Nuclear-ka oo wadamada quwadaha la galeen Iiraan sanadkii 2015-ka.

Dalalka reer Yurub ayaa sheegay in ay ka laabanayaan si xukuumada Tehraan ay ugu qasbaan ilaa Iiraan ay ka xaqiijineyso heshiiska (JCPOA).

Xiisada ka taagan bariga dhexe ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay cirka ku aloosneyd kadib dilkii Mareykanka uu ugu geestay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad taliyihii ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymaani.

Dowlada Iiraan oo ka falcelineysa arintaan ayaa maalmo isxigxigay weerar ku qaaday saldhigyada ay ku sugan yihiin milatariga Mareykanka ee dalka Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here