Iiraan oo eedeyn u jeedisay dowladaha G7

0
19

Iiraan oo eedeyn u jeedisay dowladaha G7

Dowladda Iran ayaa si adag u cambaareysay dalalka Dowladaha G7 oo si cad u sheegay in aysan iiraan yeelan karin hubka Nukliyeerka.

Iiraan ayaa sheegtay iyada oo lagu soo gardarooday in aysan mudneyn hadalo dhinac u janjeera, taasina u dul qaadan karin.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa warbaahinta u sheegay in G7 aysan dhexdhexaad ka ahayn xiisadah socda, isagoo yiri:

“G7 waa inay ka waantoobaan hadalladooda hal dhinac u janjeera, Israel waxay billowday dagaal gardarro ah oo ka dhan ah Iran, taas oo si toos ah u jabinaysa Axdiga Qaramada Midoobay,”

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarrada Israel ay sababeen dhimashada boqolaal qof oo rayid ah, iyo burbur xooggan oo gaaray xarumaha dowladda, guryaha shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.

“Iran way is difaaceysaa. Ma annaga nalagu soo xad gudbay baad na eedeysanaa” ayuu ku yiri hadal si weyn loo hadal hayo gudaha iyo dibadda dalka.

Hadalka Iran ayaa imanaya iyadoo dalalka G7 ay dhawaan ku baaqeen in la joojiyo colaadda, iyagoo aan si toos ah u cambaareyn weerarrada Israel, taas oo Iran u aragto cadaalad-darro iyo dhinac u janjeerid.

Dalalka G7 ayaa la isku yiraahda Canada, France, Germany, Italy, Japan, the UK, and the US.