Hoggaamiye Hore Oo La Soo Taagay Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICC

0
455

Hoggaamiye Hore Oo La Soo Taagay Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICC

Madaxii hore ee maleeshiyad ka dagaallami jirtay dalka Suudaan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee loo soo taago maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ee ICC kadib tacaddiyo la sheegay in uu ka geystay gobolka Darfur ee Suudaan ku dhawaad ​​labaatan sano ka hor.

Cali Maxamed Cali Cabdiraxmaan oo sidoo kale loo yaqaano ‘Cali Khusheyb’ ayaa lagu soo oogay inuu galay dambiyo dagaal iyo gabood fallo ka dhan xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin, kufsi, jirdil iyo dil.

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda ayaa sheegay in Cali uu hoggaaminayay ciidamadiisii maleeshiyaadka Jaanjaweed kuwaas oo weerar ka fuliyay guud ahaan gobolka, wuxuu beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

Shacabka Darfur oo ku dhawaad 20 sano ku jiray xeryaha barakacayaasha kadib markii ay ka qaxeen colaadda ayaa ugu dambeyntii soo dhaweeyay maxkamadeyntiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here