Hogaamiye yaasha wadamada galbeedka Afrika oo ku dhawaaqay in ay la dagaalami doonaan kooxaha Argagixisada

0
553

Hogaamiye yaasha wadamada galbeedka Afrika oo ku dhawaaqay in ay la dagaalami doonaan kooxaha Argagixisada

Hogaamiye yaasha wadamada dhaca galbeedka Afrika ayaa kulan ay ku qaateen dalka Burkina Faso ugu dhawaaqay in hal billion oo dolar ay u qoondeeyeen ka hortaga falalka amni darro ee ku sii baahaya gobolka Sahil.

Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa sanadka soo aadan ee 2020-ka ilaa 2024-ta sida lagu sheegay kulanka wadamada dhaqaalaha oo loo yaqaan (ECOWAS) ee ka dhacay magaalada Ouagadougou.

Dhanka kale wadamada Mauritania iyo Chad ayaa ku biiray dalalka (ECOWAS) ee galbeedka Afrika.

Dhanka kale madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in wadamada galbeedka Afrika ay go,aansadeen in ay wadaagaan dhaqaalaha si loola dagaalamo kooxaha Argagixisada.

Dhaqaalaha sabtida maanta ah laga yaboohay Burkina Faso ayaa adeegsan doona ciidanka amniga ee wadamada galbeedka Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here