Hogaamiyaha Jarmalka Oo 16-Sano Ka Dib Xilka Lagala Wareegay Angela Merkel

0
275

Hogaamiyaha Jarmalka Oo 16-Sano Ka Dib Xilka Lagala Wareegay Angela Merkel

Hogaamiyaha cusub ee Jarmalka Olaf Scholz, ayaa xilka loo dhaariyay maanta, isagoo beddelaya hogaamiyihii hore ee Angela Merkel. Waa hogaamiyihii afaraad ee uu Jarmalka yeesho muddo ku siman ku dhawaad afartan sannadood.

63-jirkan soo noqday wasiirka maaliyadda xilligii Mrs Merkel, ayaa hoggaamin doona isbahaysiga saddexda xisbi oo ay wehliyaan xisbiyada Greens iyo Free Democrats.

Dawladdiisu, ayaa ballan qaadday inay wax ka qaban doonto cudurka adduunka faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Waxa ay sidoo kale hiigsanaysaa in la dhimo qiiqa kaarboonka.

Madaxda caalamka ayaa hambalyo kala duwan u diray hogaamiyaha cusub. Farriin diirran ayuu madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ku sheegay in labadooduba ay tallaabada xigta si wadajir ah ugu wajihi doonaan dalalkooda iyo midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here