Hindiya oo sheegtay in khasaare ka soo gaarey dagaalka Pakistan

0
33

Hindiya oo sheegtay in khasaare ka soo gaarey dagaalka Pakistan

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Hindiya, General Anil Chauhan, ayaa qirtay in dalkiisa la kulmay khasaare hantiyadeed iyo mid naf intuu socday dagaalka kala dhaxeeya Pakistan.

 

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare dhinaca diyaaradaha cirka ay soo gaareen, isaga oo aan caddeyn inta uu la eg yahay.

 

Xilli uu la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, isaga oo ku sugan Singapore wuxuu yiri “Waxa ugu muhiimsan ma ahayn khasaaraha, balse waa sababta ay u dhaceen iyo tallaabooyinka aan qaadayno kadib,”

 

Hindiya iyo Pakistan ayaa galay dagaal afar maalmood socday bishan, waxaana la tilmaamay inuu ahaa iskahorimaadkii ugu xumaa tan iyo dagaalkii Kargil ee 1999-kii. Colaaddaasi ayaa dhammaatay 10-kii May kadib markii labada dal ay isla oggolaadeen xabbad-joojin.

 

Wararka labada dhinac laga helayo ayaa is-khilaafsan, waxaana la sheegaya in in ka badan 70 qof ay ku dhinteen weerarro ay ku jireen gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn (drone) iyo madaafiic.

 

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay in ka badan 100 qof oo ay ku tilmaantay “argagixiso”, kadib duqeymo ay ku beegsatay “xeryo argagixiso” oo ku yaalla gudaha Pakistan.

 

Dowladda Pakistan weli kama aysan hadlin si rasmi ah tirada khasaaraha ay ka soo gaartay weerarradaasi, balse waxay sheegtay in la beegsaday dad rayid ah iyo saldhigyo ciidan.