Hindiya Oo Ka Hadashay Gantaal Si Khaldan Loo Riday Oo Ku Dhacay Paakistaan.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Hindiya ayaa lagu qiray in gantaal dalka Pakistan 9-kii bishan uu ahaa mid si khaldan loo riday oo ka yimid dhanka Hindiya, haddana uu socdo baadhitaan heer sare ah oo la xidhiidha dhacdadaas.
“Gantaalka si khaldan ayaa loo riday 9-kii March, waxaana sababtay cillad farsamo oo ku timid tijaabooyinka caadiga ah.” Sidaas ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda. Annagoo aad uga qoomameyneyna khaladka dhacay haddana waxaan ku faraxsan nahay in uusan jirin khasaare aad u baaxad weyn,” ayaa lagu yidhi bayaanka.”
Galinkii dmabe ee Arbacadii, oo ay taariikhdu ku beegneyd, March 9, 2022, ayuu si lama filaan ah gantaalkaas ugu dhacay magaalada Mian Channu ee hoos tagta maamulka degmada Khanewal ee dalka Pakistan.
Dadka deegaanka ayaa arkay shey xawaare aad u dheereeya ku socday oo ku dhacay dhulka, wararkii ugu horreeyay ee soo baxayna waxay sheegayeen in diyaarad khaas ah ay halkaas ku burburtay.
Goor dambena, Maj. Babar Iftikhar, oo ah Agaasimaha Guud ee Waxada militeriga u qaabilsan dhinaca xiriirka dadweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ku sharraxay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in shey xawaare dheer ku socda” uu Arbacadii uga soo dhacay dhinaca Hindiya.
Gantaalka ayaa ku dhacay afaafka hore ee xero lagu tababaro booliska, isagoo halkaas ku dilay ugu yaraan labo qof.