Hindiya oo diiday in Mareykanka uu xaliyo qilaafka kala dhaxeeya Pakistaan

0
531

Hindiya oo diiday in Mareykanka uu xaliyo qilaafka kala dhaxeeya Pakistaan

Dowlada Hidiya ayaa sheegtay in aysan Mareykanka ka codsan in uu dhaxdhaxaadiyo qilaafka u dhaxeeya maamulada New Delhi iyo Islamabad taasi oo madaxweynaha Mareykanka sheegay in uu xalin Doono.

Wasiirka arimaha Dibada Hindiya Subrahmanyan Jaishankar ayaa kulan ay talaadada maanta ah yeesheen baarlamaanka ka hor sheegay in Ra’isul wasaare Narendra Modi uusan ka codsan Trump in uu ka caawiyo xaalada Kashmir.

Diblumaasigan ayaa yiri waxaan qirayaa oo idiin xaqiijinayaa in aysan jirin wax codsi ah oo Hindiya u dirsatay Mareykanka.

Mr Jaishankar ayaa intaa raaciyay in aysan jiri Dooni gacan sadaxaad oo qeyb ka noqon doonta xalinta dhibaatada Hindiya iyo Pakistaan.

Ra,isul wasaaraha Pakistaan Imran Khan oo warbaahinta kula hadlay aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in dhiggiisa Hindiya Narendra Modi uu ka codsaday intii lagu guda jiray shirkii wadamada G20-ga bishii hore ee lagu qabtay dalka Japan, meesha uu jecel yahay in lagu xaliyo qilaafka labada dal una sheego halka uu dooran lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here